WARARKII U DAMBEEYAY: Dibed-baxyadii Itoobiya Oo Socda, 80 Dhintay Iyo Fanaankii Oo La Aasayo

Itoobiya (HCTV) – Waxa aad loo adkeeyay Amniga guud ee Magaalada Ambo oo la doonayo in lagu aaso Heesaagii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeessa, kaasi oo lagu dilay Magaalada Addis Ababa Toddobaadkan gudihiisa.

Dilka Fanaanka Caanka ah ayaa waxa dhashay Dibed-baxyo waaweyn oo ay Qoomiyadda Oromadu ka dhigayaan Magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo deegaannada kale ee ay ku nool yihiin.
Dibed-baxyadan oo sii xoogaysanaya ayaa waxa llaa hadda ku dhintay dad gaadhaya 80 Qof, sida ay ku warramayso Telefiishanka Al-jazeera oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Xaflad loo sameeyay Aaska Fanaanka dhintay oo 34 jir ahaa ayaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Ambo stadium, taasi oo loogu baroor-diiqayo Fanaankan oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada oo ah ta ugu tiro badan Itoobiya.

Fanaanka ayaa lagu aasi doonaa Gudaha Kiniisad ku taalla Magaalada Ambo.

Ambo waxay 100KM dhanka Galbeed ka xigtaa Caasimadda Addis Ababa.

“Haacaaluu ma dhimanin, wuxuu baaqi ku sii ahaanayaa Wadnahayga iyo Wadnaha Malaayiin Qoomiyadda Oromada ah weligiiba..” ayay tidhi, Santu Demisew Diro oo ah Xaaska Fanaaniinkii Geeriyooday.

Ninkan Geeridiisu Kacdoonnada ka dhalisay Itoobiya ayaa Isniintii Toddobaadkan Cid aan la garanayn ku toogatay Addis Ababa

Fanaankan ayaa Fankiisa door laxaadle kaga soo qaatay Dibed-baxyo waaweyn oo laba sanadood ka socday dalka Itoobiya, kaasi oo aakhirkii keenay inuu Iscasilo Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Haile Mariam, isla-markaana uu Raysal-wasaare noqdo Abiy Axmed oo ka soo jeeda Qoomiyadda dibed-baxyada Wadda ee Oromada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka