Somaliland: Fanaanka Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo Geeriyooday

Hargeysa (HCTV) – Ilaahay ha u naxariistee waxa Galabta Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo ka mid ahaa Fanaaniinta reer Somaliland.

Fanaanka oo ka mid ahaa Fanaaniinta Caanka ah Soomaalida, Tobannaankii sanadood ee u dambeeyayna ku noolaa Somaliland ayaa ku Geeriyooday Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa oo Maalmihii u dambeeyay xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayey.

Maxamed Maxamuud Cige (Busi) ayaa lahaa Heeso badan oo Caan ah, kuwo Waddani ah, Nebi amaan iyo kuwo Jacayl ahba.

Busi ayaa xilligan ahaa Agaasime ku-xigeenkii Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

La Soco Taariikhda Fanaanka oo aanu idiin soo gudbin doono.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka