Muqdisho: Qarax Ka Dhacay Meel Ku Dhow Safaaradda Dawladda Qadar

Muqdisho (HCTV) – Qarax ayaa Saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel waxyar u jirta Safaaradda Dawladda Qadar ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay dhabarka danbe ee safaarada Dowladda Qatar ku leedahay Magaalada Muqdisho oo ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Xaafadda Taleex ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in lala eegtay Gaadhi ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxaasi,waxaana goobta gaadhay Ciidamo kale oo Boolis ah, kuwaas oo joojiyey isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

 La Soco Warkan oo faahfaahsan

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka