Xoghayaha Xanaanada Xoolaha WADDANI Oo C.I.D-da Looga Yeedhay

Hargeysa (HCTV) – Waxa Maanta Xarunta Ciidammada Dambi-baadhista ee Hargeysa looga yeedhay Xoghayaha Xannaanada xoolaha ee Xisbiga WADDANI, Axmed Shukri.

Masuulkan WADDANI ayaa waxa dacweeyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, sida uu sheegay Xoghayaha Xanaanada Xoolaha WADDANI oo Ciidammada dambi-baadhistu waydiiyeen Su’aalo door ah.

Axmed Shukri iyo Masuuliyiin kale oo WADDANI ka mid ah oo Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa faahfaahiyey arrrimahaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaaxda ONLINE-ka