Aqalka Cad Ee Maraykanka Golaha U Qaabilsan Ammaanka Qaranka Oo Soo Dhaweeyey Xidhiidhka Taiwan Iyo Somaliland

AIPEI, (HCTV) – Aqalka Cad ee Maraykanka golaha u qaabilsan ammaanka qaranka (White House National Security Council) ayaa soo dhaweeyey xidhiidhka dhexmaray Taiwan iyo Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal twitter-ka uu ku baahiyey Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSC), kaas oo lagu sheegay in ay wax weyn tahay in la arko in Taiwan ay wakhti xaadirkan sii dardargaliso hawlaheeda dalalka Bariga Afrika, waxaanu intaasi ku daray Golaha Amaanka Qaranka u qaabilsan Aqalka Cad ee Maraykanku in Taiwan ay tahay saaxiib weyn xagga caafimaadka, waxbarashada, kaalmada farsamada iyo in badan oo kale!

Guddoomiyaha Golahaasi Amaanka Qaranka ayaa ah qofka ugu horeeya ee la kulma warbixina siiya madaxweynaha dalka Maraykanka.

Kowdii bishan July ayay ahayd markii Wasiirka Arimaha dibada ee Taiwan Joseph Wu (吳釗燮) shir jaraa’id oo uu qabtay uu kaga dhawaaqay in Taiwan iyo Somaliland ay gaadheen heshiis ay ku yagleelayaan xafiisyo wakiilo u fadhiyi doona labada dhinac, isla markaana ay yeelanayaan xidhiidh laba geesood ah, maadaama oo ay waxbadan oo ay ka mid tahay Madaxbanaanida, Dimuqraadiyada, Cadaalada iyo isku xukunka sharciga ay wadaagaan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.