AFRIKA: Dibed-baxayaal Qabsaday Xarun Warbaahineed

Mali (HCTV) – Dibedbaxyo ayaa ka socda dalka Mali.

Dibad-baxayaal ku sugan dalka Mali ayaa waxa ay sababeen in warbaahinta qaranka ay hawada ka baxdo xilli dibadbaxyo ballaadhan ay ka dhacayeen magaalada caasimadda ah Bamako.

Booliska ayaa waxa ay rideen rasaas iyo sunta dadka kaga ilmaysiisa si ay u kala kaxeeyaan dibadbaxayaasha, kuwaas oo qaar ka mid ah ay isku dayayeen inay xoog ku galaan dhismaha golaha shacabka.

Waa isu-soo-bixii saddexaad oo dhaca muddo bil ah kaas oo lagu dalbanayo in Madaxweyne Ibraahim Boubakar Keita uu xilka banneeyo.

Laqkiin, Isbahaysi cusub oo mucaarad ah oo uu hoggaaminayo Imaamka muxaafadka ah, Maxamuud Dicko, ayaa waxa uu sheegay inuu iska dhaafay dalabkii ahaa in Madaxweyne Keita uu iscasilo.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA