Shirka Maamul Goboleedyada Soomaaliya Oo Maanta Furmaya

Dhuusamareeb, (HCTV) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka madaxda Maamul Goboleedyada dalka,  waxaana lagu wadaa in lagusoo qaado ajendayaal dhowr ah, oo dhammaantood diiradda lagu saarayo xaaladda kala guurka ah ee waddanka.

Wax-yaabaha ayaa lagusoo hadal qaadi doono waxaa kamid ah arrimaha dib-u-eegista dastuurka, doorashooyinka dalka iyo sharciyo maalmihii ugu dembeeyay ay meel-mariyeen Baarlamanka Soomaaliya.

Shirka ayaa marka uu furmo waxaa hadallo ka jeedin doono madaxda maamullada, kadibna waxaa toos loo guda geli doonaa ajendayaasha.

Madaxda dowladda faderaalka ah ayaan qeyb ka aheyn shirkan maanta furmaya,  waxaana waxa kasoo bixi doona shirkaan indhaha ku haya dhinacyada daneeya siyaasadda Soomaaliya.