Madaxweyne Ku-xigeenkii U Horreeyay Ee Puntland Oo Kenya Ku Geeriyooday

Nairobi (HCTV) – Allaah ha u naxariiste Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Marxuunka oo ka mid ahaa aas’aasayaashii Maamul-gobolleedka Puntland ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Maxamed Cabdi Xaashi wuxuuna Alle uga baryey inuu janooyinkiisa ka waraabiyo “Alle ha u naxariistee

Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii ka soo shaqeeyay dhismaha Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland” ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooada Puntland ka soo baxay

Sidoo kale, waxa Tacsi taasi la mid ah u diray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Marxuumka ayaa lasoo shaqeeyey Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka