Maareeyaha Dekeda Berbera Oo Kulan La Yeeshay Ganacsatada Xoolaha, Wakiilada Maraakiibta Iyo Wasaarada Xananada Xoolaha

Berbera, (HCTV) – Maareeyaha Dekeda Berbera ee Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Kulan Xafiiskiisa kula qaatay ganacsatada Xoolaha Dhoofisa, Wakiiladda Maraakiibta iyo Doonyaha Xoolaha ka qaada Dekedda Berbera, Madaxa DP World Berbera, Madaxa Waaxda Badda Dekedda Berbera (Harbourmaster), Taliyaha Hawl-gelinta Booliska Gobolka Saaxil iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada.

Kulankan ayaa lagaga hadlaayey sidii muhiimada koowaad loo siin-laha dhoofka Xoolaha nool ee Somaliland, sidaasna waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey boga Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo u dhigan sidan.

“Waxaannu Kulankaygii Todobaad-laha ahaa ee Ku Saabsana Dhoofka Xoolaha Nool Ku Wada qaadanay Xafiiskayga, Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa, Wakiiladda Maraakiibta/Doonyaha Xoolaha ka qaada Dekedda Berbera, Madaxa DP World Berbera, Madaxa Waaxda Badda Dekedda Berbera (Harbourmaster), Taliyaha Hawl-gelinta Booliska Gobolka Saaxil iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & Horumarinta Kalluumaysiga.

Kulankaygan oo ujeedkiisu ahaa dar-dar gelinta Shaqada Dhoofka Xoolaha iyo in Muhiimada Koowaad la siiyo Maraakiibta/Doonyaha Xoolaha ka qaada Dekedda Berbera, Maadama oo lagu jiro mawsimka Xoolaha”.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.