Ciidamada Somaliland Oo Horufadhi Ka Celiyey Masuuliyin Ka Socday Puntland

Buuhoodle, (HCTV) – Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa deegaanka Horfadhi ka celiyey wefti Wasiiro ah oo ka socday maamul goboleedka Puntland oo doonayey inay degmadaasi kaga qaybgalaan heshiisiinta laba beelood oo ku dagaalamay halkaasi.

Waxaanay wararku sheegayaan in masuuliyiintii ka socaday maamulka Puntland iyo ciidamadii ay wateen ay ku  noqdeen magaalada Buuhoodle.

Hase yeeshee Ciidamada Ciidamada Somaliland ayaa sheegay inay adkaynayaan Kaantaroolada Buuhoodle, waxaanay sidoo kale fariin u direen maamul goboleedka Puntland.