Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Midawga Yurub

Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Midawga Yurub

Xisbiga UCID Oo Magacaabay Xubinta Guddida Doorashooyinka U Mateli Doonta
Trump Oo Hakiyey Dhaqaalihii Dalkiisu Siin Jiray Hay’adda Caafimaadka Adduunka
Isreal Oo Duqaysay Fadhiisin Jabhad Falastiiniyiiin Ahi Ku Leedahay Lubnaan
Madaxweynaha Somaliland Digniin U Diray Cidkasta Oo Jebisa Awaamiirta Xukuumadda, Sheegayna In COVID-19 Fidayo
Bandhiga Carwada Jaamacadaha Bariga Somaliland Ayaa Burco Lagu Qabtay

Hargeysa, (HCTV) – Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagaga wada hadlay siday u qabsoomayaan doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada, iyo miisaaniyadda doorashooyinka iyo kaalmada Somaliland beesha caalamku siiso ee dhinaca horumarinta, sida lagu sheegay Qoraal kooban oo uu Twitter-ka soo dhigay Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro.

Bishan July 12-keedii ayay ahayd markii hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ay kala saxeexday heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee sannadka 2020-ka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: