“Dawladd Goboleedyadu Go’aan Kama Gaadhi Karaan Nooca Doorashada Somalia” Guddoomiye Mursal

Muqdisho, (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu kasoo horjeestay qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb.

Isagoo ka hor hadlayay fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxa uu Guddoomiye Mursal qeexay in aysan marnaba suura-gal aheyn in madaxda maamullada ay ka hadlaan habka ay noqoneyso doorashada.

“Waxaan doorasho qof iyo cod aheyn lagama qabanayao Soomaaliya, suura-gal maaha in la aado doorasho dad badan, iyadoo Baarlamanka uu meel mariyay sharuucdii doorashada” ayuu Guddoomiye Mursal ka hor sheegay xildhibaannada.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in xubno kamid ah Baarlamanka oo Dhuusamareeb tegay aysan matalin aqalka hoose ee Golaha sharci dejinta.

Hadalka kasoo baxay Guddoomiya Baarlamanka ee Soomaaliya ayaa waxa uu immaanaya xilli la filayo in madaxweyne Farmaajo uu berri u safro magaalada Dhuusamareeb si uu ula kulmo madaxda maamul Goboleedyada, iyagoo ka wada hadlayo xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.