Safiirka Shiinaha Ee Muqdisho Oo Si Kedis Ah U Baajiyey Safar Uu Ku Iman Lahaa Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Safiirka Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Qin Jian ayaa si kedis ah u baajiyey Safar uu doonayey inuu ku yimaaddo Magaalada Hargeysa.

Danjire Qin Jian oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaa doonayey inuu Isniintii Toddobaadkan uu socdaal ku yimaaddo Caasimadda Hargeysa ee JSL.

Warar Xog-ogaal ah oo Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyey in Safiirka Shiinuhu uu saacadihii u dambeeyay ee Isniintii baajiyey Safarkiisa, waxaanu soo raaci lahaa diyaaradda Jabuuti ee isaga gooshta Magaalooyinka Jabuuti, Hargeysa, Muqdisho.

War rasmiya lagama hayo in sababta baajisay Safiirku ay la xidhiidho farriin deg-deg ah oo uga timid Dawladdiisa iyo inay la xidhiidho dhinaca Somaliland oo uu dareemay inaan soo dhawayntiisa diyaar loo ahayn.

Safiirka Shiinaha ee Muqdisho ayaa tan iyo markii uu soo baxay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, wuxuu bilaabay qoraallo uu ku baahinayo barta uu ku leeyahay Twitter-ka oo uu ku ku durayo xidhiidhka curdinka ah ee Somaliland iyo Taiwan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka