Madaxweynaha Somaliland Oo Tababar U Soo Xidhay Dufcaddii 32-aad Ee Ka Qalin-jebisa Dugsiga Tababarka Ciidanka Ee Mandheera

Mandheera, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tababar usoo xidhay dufcaddii 32-aad ee katirsan ciidamada kala duwan dalka oo ka qalin-jebisa dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle.

Munaasibad kooban oo ay ku qalin-jebinayeen dufcadda 32-aad ee  ciidanka oo ka kala socda ciidamada Booliska, Laanta socdaalka, madaxtooyada Somaliland iyo qaybaha kale ee ciidamada dalka ah oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka deegaanka Mandheera ee Lixle, ayaa waxa madaxweynaha  kala qayb-galay taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Militeriga, Booliska, Asluubta, Badda, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maamulka iyo macallimiinta dugsiga, waxana uu madaxweynuhu uu halkaas salaan kaga qaatay cutub kamid ah ciidamada, isaga oo intaas kaddibna kormeeray qaybo kamid ah dhismeyaasha kala duwan ee uu ka kooban yahay dugsiga tababarrada ciidamada ee Mandheera oo qaybo kamid ah ciidamadu kusoo bandhigeen khibradda baadhitaan ee ay u leeyihiin dambiyada dhaca.

Ugu horrayn waxa  madasha uu madaxweynuhu tababarka ugu soo xidhayey dufcadda cusub ee kusoo biirtay ciidamada kala duwan ee dalka hadallo ka jeediyey hoggaanka tababarrada ciidamada Booliska, Gaashaanle Sare Ibraahim Cabdi Xaashi iyo taliyaha dugsiga tababarka ee Lixle Gaashaanle dhexe Cabdi Cali Axmed, waxana ay ku dheeraadeen heerarkii kala duwanaa ee dugsigu soo maray, iyaga oo ammaanay ciidamada cusub ee maanta tababarka dhammaystay oo ay ku tilmaameen kuwo kalsooni badan lagu qabo oo laga filayo inay hanan karaan xilka ballaadhan ee uu qaranku ka sugayo.

Taliyayaasha ciidamada  Asluubta, Sarreeyo guuto,  Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), Badda, Sareeye Guuto,  Maxamed Faarax Xiirane iyo  Militeriga, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadallo ka jeediyey munaasibadda qalinjebinta, ayaa si isku mid ah hoosta uga xarriiqay in dufcadda maanta tababarka dhammaysatay yihiin aqoonyahanno dhallinyaro ah oo aqoon iyo dal jacayl lagu carbiyey.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland  sarreeye Guuto  Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa isaguna dhankiisa xusay in dufcaddani hormood u tahay dib-u-habayn ballaadhan oo la doonayo in ciidamada lagu sameeyo, islamarkaana lagaga dhigayo dhallinyaro dhinac walba ka dhisan oo mustaqbalka la wareegta hoggaanka ciidanka, waxana uu yidhi, “Dufcaddan 32-aad waa dufcad si siman looga soo qaatay gobollada Somaliland oo dhan, waana dhallinyaro aan belwed lahayn oo loogu talo galay inaanay 25-jir ka weynaan oo akhlaaqiyan u dhisan, kana mid ah dib u habaynta la doonayo in Booliska lagu sameeyo.”

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa soo dhaweeyey dhallinyarada aqoonyahannada ah ee kusoo biirtay ciidamada kala duwan ee dalka, waxana uu ku adkeeyey inay  muujiyaan aqoontii lasoo baray iyo tacabkii la geliyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey ciidamada cusub ee uu tababarku usoo dhammaaday, waxana uu si hufan uga sheekeeyey muhiimadda ay ciidamadu leeyihiin iyo shaqooyinka halbawlaha ah ee ay bulshada u hayaan.

Madaxweynuhu waxa uu la dardaarmay ciidamada maanta dhammaystay tababarka, isaga oo ku adkeeyey inay waqtigooda ugu badan geliyaan sidii ay midaynta iyo wada-jirka bulshada uga shaqayn lahaayeen, “Tababarkiinna waxaan idiinku darayaa waa inaad noqotaan tabliiqiyiin, dal jecel oo dadka mideeya oo is oggolaysiiya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu abaal-marinno  guddoonsiiyey xubnihii kaalmaha hore ka galay, Akhlaaq wanaagga, shiishka, tababarka iyo waxbarashada muddadii ay dufcaddaasi ku jirtey tababarka.

Wa Bilaahi Tawfiiq