Madaxweyne Farmaajo Oo Aqbalay Go’aanka Barlamaanku Kalsoonida Kagala Noqday Xukuumadda Khayre

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa aqbalay go’aanka Golaha Shacabka Somalia ay kalsoonida ugala noqdeen xukuumada Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu muhiim u arkay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda lagu jiro.

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaadhtay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay inuu si degdeg ah usoo magacaabidoono  Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeyyay horumar iyo mustaqbal wanaagsan.