Maraykanka Oo Walaac Ka Muujiyey Xil ka Qaadistii Raysal-wasaare Khayre

Muqdisho (HCTV) – Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay qaabka ay u dhacday xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre.

War-bixin qoraal ah oo ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka xun tahay ficilladii Madaxweynaha iyo aqalka hoose ee baarlamaanka ee ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda, taas oo la sheegay in ay xagal daacineyso geedi socodka wadahadallada iyo wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Safaaradda ayaa intaa ku dartay in habraacii khaldanaa ee baarlamaanka uu dib u dhac u keenayo qorshihii dib u habeynta iyo taageerada Maraykanka uu siinayay Soomaaliya.

Waxaana safaaradda ay sheegtay in xasilooni, ammaan iyo horumar lagu gaadhi karo oo kaliya wax wada qabsi iyo hoggaamiyaasha Soomaaliya oo ay meel dhexe isugu yimaaddaan.

“Haddii shaqsi ama hay’ad ay raadiso inay awoodda kaligeed maroorsato waxa ay carqaladaynaysaa xasiloonida qaranka oo dhan.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

“Safaarada Maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda.”

Safaaradda ayaa ugu baaqday Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedyada, Golaha Shacabka iyo qeybaha kale inay sii wadaan fulinta heshiiskii lagu gaadhay Dhuusamareeb.

Sidoo kale Maraykanka ayaa ugu baaqay dhammaan hoggaamiyaasha Soomaalida iyo saamileyda inay ka horumariyaan danahooda gaarka ah danta qarankooda.

“Waxaan tallaabo ka qaadi doonaa kuwa wax burburiya oo doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida, dowladnimo loo dhan yahay iyo horumarka. Ma dooneyno in Soomaaliya ay waddo qaldan raacdo, Maraykanku waxa uu marwalba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaasha danta dalkooda ka hormariya tooda gaarka ah.”ayaa lagu yidhi Qoraalka Safaaradda Maraykanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA