UK: Nin Caddaan Ahaa Oo Taalladiisii La Dejiyey, Lagana Saaray Liiska Geesiyada

Cardiff (HCTV) – Golaha deegaanka ee Magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska ayaa Jimcihii la soo dhaafay meel-mariyey Go’aan meesha lagaga saarayo Taallo uu Magaaladaasi ku lahaa Sir Thomas Picton oo muddo qarni ka badan ku jiray Liiska Geesiyada Weelishka ee Dalka boqortooyada Ingiriiska.

Sir Thomas Picton oo Xilliyadii Ingiriisku Dunida kale ka waday Gumaysiga ku jiray Askarta ugu ad-adag ayaa soo xukumay deegaanka Trinidad oo ku jiray Gacmaha gumaysiga Ingiriiska, xilligaana wuxuu xukumay in si aan sharci ahayn loo Toojar-gareeyo Gabadh yar oo 14 jir ah, dambi baa lagu helay xilligaa, laakiin Cidna ma xukumin Mr. Sir Thomas.

Ninkan oo ahaa Khabiir dhinaca Milletariga ayaa la rumaysan yahay inuu ka mid ahaa Raggii Geesiyada ahaa ee lagu dilay Dagaalkii Waterloo sannadkii 1815-kii, hase-ahaatee xad-gudubyada kale ee uu ku kacay isla-markaana Maanta sababay in Taalladdiisa laga dejiyo halkii ay saarnayd ayaa ah inuu ka Ganacsan jiray Addoonsida Dadka Madow, sidoo kalena uu xooggooda ka faa’idaysan jiray .

Golaha deegaanka Cardiff oo Qadarin u haya Dibed-baxyada hal ku-dhegga looga dhigay ‘Black Lives Matter’ ayaa go’aamiyey in Taallada Sir Thomas laga dejiyo halkii ay ka taallay Hoolka lagu ururiyo Taalooyinka Gobolka Wales ee Magaalada Cardiff oo ah Hoolka Golaha deegaanka.

Taallada  Sir Thomas oo halkaa la dhigay 1916-kii ayaa hadda Dadka laga daboolay, waxaana laga saaray Liiska Geesayada Taariikhdooda iyo Taalooyinkoodu yaallaan Hoolka Golaha deegaanka ee Cardiff.

Mooshinka la ansixiyey waxa soo jeediyey Saeed Ebrahim oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deegaanka Cardiff ee Madow ah, waxaana ku raacay 57 xildhibaan, waxaana diiday 5, halka 9 ka aamuseen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka