Pakistan: Nin Sheegtay Nebi Oo La Dilay Isagoo Maxkamadi Dacwaddiisa Dhegaysanayso

Pakistan (HCTV) – Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay nabinnimo ayaa toogasho lagu dilay isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla dalka Pakistan, xilli uu dhageysiga dacwaddiisa ka socday magaalada waqooyi ee Peshawar.

Waxaa kiis maxkamadeed lagu soo oogay markii sida la sheegay uu isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay nabi.

Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamka ayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteeda ay ka noqon kartaa dil.

Inkastoo weli ayna jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas, haddana waxaa marar badan ay horseedaan inuu dhaco qalalaase iyo weerar.

Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem, ayaa sanadkii 2018-kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah.
Subaxnimadii Arbacada ee Shalay ayaa la dilay isagoo garsooraha hor taagan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka