Maraykanka Oo Jarmalka Kala Baxaya 12 Kun Askari + Trump Oo Sababta Ka Hadlay

Maraykanka Oo Jarmalka Kala Baxaya 12 Kun Askari + Trump Oo Sababta Ka Hadlay

Safiirkii Shiinaha U Fadhiyay Israel Oo Maydkiisa Laga Helay Gurigiisa Oo Ku Yaalla Tel Aviv
Guddidii Loo Xilsaaray Buugga Wasiir Guri Barwaaqo oo ku Baaqay In la Gubo
Lebanon: Ciidamada Oo Bilaabay Inay Nadiifiyaan Wadooyinka Kadib Iscasilaadii Xariiri
Uganda: 70-Jir La Xidhay Markii Uu Dhagax Ku Tuuray Gaadhiga Madaxweynaha
Kim John Un Oo Dhoolacadaynaya Oo Fagaare Ka Soo Muuqday Todobaado Ka Dib

USA (HCTV) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay 12 kun oo askari ay kala baxeyso dalka Jarmalka, taas oo xukuumadda Washington ay ku sheegtay “istaraatijiyad dib loogu habeynayo ciidamadeeda ku sugan Yurub”.

Ciidamo gaadhaya 6,400 askari ayaa dib loogu celin doonaa Mareykanka, halka kuwa kalena la geyn doona dallaka ka mid ka ah gaashaanbuurta NATO sida Talyaaniga iyo Belgium-ka.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in sababtu ay tahay Jarmalka oo ku guuldarestay hadafkii NATO ee dhanka difaaca “Mar dambe ma dooneyno in aan aragno kuwa jaqaya dhiiggeena,” ayuu Mr Trump waxyar kadib markii lagu dhawaaqay go’aanka, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu yareneynaa ciidamadeena jooga Jarmalka sababtoo ah ma bixiyaan kharashaadka ku baxa.”

Haseyeeshee arrintan ayaa cambaareyn xoogan kala kullantay mucaaradka Mareykanka ee aqalka Kongreska, kuwaas oo sheegay inay fursad u abuureyso Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa in muddo ka cabanayay xubnaha NATO ee Yurub oo uu sheegay in looga baahan yahay inay bixiyaan kharashka iyaga lagu difaaco.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: