War-bixin: Xanuunka Covid_19 Oo Saameeyay Iibka Xoolaha Nool Ee Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Xanuunka Covid_19 ee dunida oo dhan ku faafay ayaa saamayn weyn ku yeeshay iibka Xoolaha Somaliland.

Sanadihii hore ee xilligan oo kale waxa Somaliland ka dhoofi jiray Xoolo aad tiro badan, laakiin sannadkan sidii hore aad bay uga yar yihiin, sida ay sheegayaan Dadka Xoolaha ka ganacsada oo isbarbar-dhigay Carafadan iyo Carafadii sannadkii hore.

Dilaaliinta iyo Ganacsatada yaryar ee Sayladaha Somaliland ka urursada Xoolaha isla-markaana ka iibiya Shirkadaha Dalka dibeddiisa u dhoofiya ayaa sheegay in sannadkan iibka xooluhu uu aad hoos ugu dhacay, iyagoo ku sababeeyay Xanuunka Covid_19 iyo Xajka oo Dadka tagayaa yar yihiin.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka