Soomaaliya: Dad Ku Xidhnaa IRAN Oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyey

Muqdisho (HCTV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin reer Soomaaliya ah oo muddo ku xidhnaa Dalka Iran.

Muwaadiniintan oo Maanta saxaafada kula hadlay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxay sheegeen inay dhowr bilood ku xayirnaayeen dalka Iiraan markii xabsiyada laga soo daayay, sababo la xidhiidha covid19.

Waxay muddo sanad iyo ka badan ku xidhnaayeen dalka Iiraan, hase yeeshee dadaal dheer oo ay dowladda federalka sameysay ayaa lagu guulaystay in ay dib u helaan xoriyadooda.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka