Hindiya Oo Gacanta Ku Dhigtay Dilaa Halis Ah

Delhi, (HCTV) – Booliska Hindiya, ayaa maanta sheegay in ay qabteen nin ay ku tilmaameen ‘Dilaa’ halis Ah, kaasi oo qirtay inuu ku lug lahaa dilka 50 qof oo ka mid ahaa  darawalada tagaasida ee dalkaasi. Wadeyaashaas ayuu sheegay inuu dili jiray kadib  marka uu kiraysto Tagsigooda.

Devender Sharma, oo 62 Jir ah, ayay boolisku sheegeen inuu maydadka darawalada uu qaabka dahsoon u gumaaday ku tuuri jiray gacan biyood ay Yaxaasyo badan ku nool yihiin.

Dhagarta ninkani ku khaarajiyay 50-ka darawal Ayaa soo bilaabantay 18 sano ka hor, falalka badankoodana wuxuu ka gaystay  gobolka Rajasthan, oo ka tirsan dalka Hindiya.

Baabuurta ay wateen darawaliinta uu dilay ayuu sheegay intuu furfuro oo uu qayb-qayb u iibin jiray!.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.