Hoggaanka KULMIYE Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Qaar Kamid Ah Dhallinyaradii Hormoodka Ka Ahaa Guushii Xisbiga

Hargeysa, (HCTV) – Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay  qaar kamid ah dhallinyaradii iyo haldoorkii ku suntanaa guushii xisbiga KULMIYE  kasoo hooyey doorashadii madaxtooyada, kuwaas oo kasoo kala jeeda gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadda hadhimada ah oo ay goob-joog ku ahaayeen madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaah ismaaciil (Saylici), guddoomiye-ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee xisbiga, Mudane Cabdi Cabdi-dheere iyo Mudane Xuseen Aadan-cadde,  xoghayaha guud ee xisbiga, hoggaanka golaha dhexe, guddida fulinta iyo hoggaanka garabbada haweenka iyo dhallinyarada ee xisbiga KULMIYE, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka kala socotay laamaha kala duwan ee dawladda, saraakiil xisbiga katirsan iyo dhallinyaro rag iyo haween isugu jirta oo kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYEee doorka muuqda kasoo qaatay guushii ballaadhnayd ee uu xisbigu kasoo hooyey doorashooyinkii kala dambeeyey ee dalka ka qabsoomay, ayaa laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo dhalinyarada iyo taageerayaasha xisbiga, iyada oo sidoo kalena lagu dhiirrigeliyey da’yarta inay siyaasadda ku dhiirradaan oo ay xisbiga dedaal iyo juhdi badan geliyaan.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna guddoomiye-ku-xigeenka afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga, Mudane Axmed Cabdi-dheere, hoggaanka garabka dhallinyarada xisbiga, saraakiil katirsan xubnaha sare ee xisbiga iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo saraakiil kale oo xukuumadda xilal ka haysa oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa ku dheeraadaay dedaalka aan kala hadhka lahayn iyo kaalinta laxaadka leh ee ay dhallinyarada iyo taageerayaasha xisbigu kaga guushii xisbiga soo geliyeen, iyada oo caddeeyey in madaxweynuhu saami ballaadhan xukuumaddiisa ka siiyey dhallinyarada wax baratay ee dalka.