Soomaaliya: Diyaarad Sahay U Sidday Ciidammada Kenya Oo Burburtay Saaka

Dhoobley (HCTV) – Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Millateriga Kenya ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose Soomaaliya.

Diyaaraddan oo sahay u siday ciidamada Kenya ee ku sugan saldhigga Dhoobley, ayaa la sheegay inay dhacday markii ay isku diyaarinaysay inay cagaha dhigato garoonka.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.

Weli Lama oga sababta keentay bururka diyaaraddan, Ciidammada Kenyana wax faahfaahin ah kama bixinin.

Diyaaraddan ayaa noqonaysa tii saddexaad ee muddo laba bilood gudahood ah ku dhacda gudaha dalka Soomaaliya, dhammaan diyaaradahaas ayaa ka diwaangashanaa Dalka Kenya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka