Shir-nabadeed Ka Furmay Degmada Saax-dheer Ee Gobolka Sool

Hargeysa (HCTV) – Waxa Gelinkii dambe ee Maanta Degmada Saax-dheer ka furmay Shir-nabadeed u dhexeeya Beelaha Walaalaha ah ee Hagar iyo Hayaag ee Dhulbahante.

Labada Beelood oo uu Gogol nabadeed u dhigay Garaadka guud ee Beelaha Sool, Sanaag Iyo Buuhoodle Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa la doonayaa in lagu soo afjaro Colaad muddo soo jiitamaysay ee u dhaxaysey labada beelood ee Walaalaha ah, kuwaasi oo horraantii bishii dhamaatay ee July uu dagaal khasaare sababay ku dhex maray degmada Horufadhi.

Shirka Nabadeed ee ka furmay Saax-dheer ayaa waxa ka qayb-galay Odayaasha iyo Waxbaradka Labada Beelood ee la heshiisiinayo iyo Tobannaan Madax-dhaqameed ah oo ka socda Gobollada kale ee dalka, sida uu sheegay Wariye Iid Gunre oo Telefiishanka HCTV uga soo warrama Gobolka Buuhoodle

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka