Bayruut: Dhimashada Oo Maraysa 135 Qof, Dhaawaca Oo Gaadhay 5000 Iyo Wararkii U Dambeeyay

Lebanonn (HCTV) – Golaha Wasiirrada Lebanon ayaa ku dhawaaqay laba Toddobaad oo xaalad deg-deg ah lagu soo rogay Caasimadda Bayruut, waxaana Maamulka Amniga ee Magaaladaasi la wareegay Millatariga.

Xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay Bayruut ayaa timid, xilli Khasaaraha ka dhashay Qaraxii weynaa ee ka dhacay Magaalada Bayruut uu kor u kacay.

Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxaya halkaasi ayaa sheegaya in Dadka Qaraxaa ku dhintay marayaan 135 Qof, halka dhaawacuna marayo 5,000 Qof.

Qaraxa ka dhacay Salaasadii Dekedda Bayruut ayaa Caasimadda ku firdhiyey Gaac, kaasi oo sababay burburta Dhismayaal aad u tiro badan.

Shaqaalaha Gurmadka deg-degga ah ayaa illaa hadda baadhaya dhismayaasha Dumay, si ay isugu dayaan inay Dad weli nool ka helayaan Burburka hoostiisa.

Badhasaabka Bayruut Marwan Abboud ayaa sheegay in Dad gaadhaya 300,000 oo ku noolaa Guryaha ku burburay Qaraxyada ka dhacay Bayruut.

Dadkaasi ayuu Badhasaabku sheegay inay xilligan u raadinayaan Cunto, Biyo iyo Guryo ay degaan.
wixii qaraxa sababay weli lama caddaynin, laakiin Masuuliyiinta Lubnaan waxay ku xidhiidhiyeen 2,750 tonnes oo ah Maadada loo yaqaano ammonium nitrate oo ku kaydsanayd Bakhaar ku yaalla Dekedda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka