Wararkii U Dambeeyay, Diyaarad Sidday 191 Rakaab Ah Oo Burburtay

India (HCTV) – Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Indian Express, oo ay la socdeen 191 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Calicut, oo ku yaalla Kerala ee koonfurta dalkaas, sida ay saraakiil sheegeen.

Mas’uuliyiinta waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa sheegay in diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Dubai ay cagaha la weyday waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna ay u kala go’day labo qeybood.

Ugu yaraan labo ruux, oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda ayaa geeriyooday, sida ay dad xog-ogaal ah u sheegeen BBC-da.

Rakaab kale oo badan ayaa dhaawacmay, sida aan kasoo xigannay afhayeen u hadlay shirkadda leh diyaaraddaas.

Maamulka diyaaradda ayaa sheegay in tirada rakaabka ay ahayd 184 ruux oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo lix shaqaalaha diyaaradda ah, ayna ka mid yihiin labo duuliye.

Duullimaadka ayuu lambarkiisa ahaa IX-1344.

Garoonka Calicut wuxuu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla gobolka Kerala, duullimaadyada ugu badan ee caalamiga ahna ay kasoo dagaan

Agaasimaha guud ee laanta duulista hawada (DGCA) ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday haro biyo ah, kaddib markii ay ka gudubtay laamiga garoonka.

Musiibadan ayaa dhacday abaare 19:00 waqtiga maxalliga ah, xilli uu roob culus ka da’ayay gobolkaas.

Daadab ka dhashay roobabka ayaa Hindiya ka socday muddooyinkii lasoo dhaafay oo lagu guda jiray xilli roobaadka.

Bishii May ee sanadkii 2010-kii, 158 ruux ayaa ku geeriyooday diyaaradda Air India oo ku burburtay garoonka gobolka Mangalore.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka