8 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Maanta Ka Dhacay Muqdisho + 14 Dhaawac Ah.

Muqdisho (HCTV) – Weerar loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo lala beegsaday xaruunta qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo u dhow garoonka ciyaaraha.

Waxaa la sheegayaa in qaraxaasi uu geystay khasaro dhimasha iyo dhaawac isugu jira.

Wararka hordhaca ah ee halkaa ka soo baxaya ayaa sheegaya in 8 Qof ku dhinteen, 14 kalena ku dhaaawacmeen.

Ilaa hadda cid sheegatay Masuuuliyadda Weerarkan. 

Horn Cable Tv

WAAXDA ONLINE-KA