Shiinaha Oo Ka Cadhooday Wefti Maraykan Ah Oo Socdaal Ku Tagay Taiwan

Taipei, (HCTV) – Xoghayaha Caafimaadka iyo Adeegyada Aadamaha ee dalka Maraykanka Alex Azar ayaa socdaal ku tagay Taiwan Axadii maanta, isagoo hogaaminaya wefdi Maraykan ah oo booqasho seddex maalmood ah ku joogi doona halkaas, iyagoo la kulmi doona MadaxweyneTsai Ing-wen.
Socdaalkan oo noqonaya kii ugu heerka sarreeyay ee sarkaal Maraykan ahi ku tago halkaa tan iyo markii uu burburay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Washington iyo Taipei 1979.
Waxaanay booqashadani timid iyadoo xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha uu hoos ugu dhacay halkii ugu hoosaysay taariikhda.
Shiinaha ayaa diidan xidhiidhka rasmiga ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Taiwan, oo ay ku sheegato inay tahay dhulkeeda oo ka mid ah Shiinaha, halka madaxweynaha Taiwan uu si adag ugu ololeeyay aqoonsiga Taiwan inay tahay qaran madaxbanaan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.