Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciiddanka Madaxtooyada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciiddanka Madaxtooyada

Baanka Dhexe Oo Doonaya Inuu Wacyi-gelin Kula Dagaalamo Sicir-bararka Raashinka
Xad-gudubyo Adeeg Xumo Oo Loo Xidhay Cisbitaal Ku Yaalla Imaaraadka
Koox Islaamiyiin Ah Oo Gawracay 11 Qof Oo Kiristaan Ah (Akhri)
Muqdisho:-Tukashadda Saaladda Ciida
Malaysia Oo Xidh-xidhay 16 Qof Oo Weerarro Argagixiso Qorshaynayey

Garoowe, (HCTV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabay taliyaha ciiddanka madaxtooyada Puntland, maalin kadib markii Gaalkacyo lagu dilay taliyihii xilkaas hayay oo ku geeriyooday howlgal lagula dagaalamayay koox maandooriyaha ka ganacsada.

Madaxweyne Deni ayaa xilkan u magacaabay Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jamac Dirir oo horey u ahaa taliyihii qeybta booliiska gobolka Nugaal.
Waxaa sidoo kale la magacaabay taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal, waxaana xilkaas loo magacaabay  G/sare Maxamed Aadan Jaamac.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in isbedel degdeg ah lagu sameeyo xoojinta amniga, saraakiisha la magacaabayna ay hormuud u noqdaan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: