Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Kormeeray Dhismaha Dekeda Berbera

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Kormeeray Dhismaha Dekeda Berbera

Trump Oo Socdaal Layaab Leh Ku Tagay Afghanistan
CHINE: Dadka Dhintay Oo Kor U Dhaafay 1000 Iyo 42 Kun Oo U Jiifa Caabuqa Coronavirus
Weerarkii Ugu Darnaa Oo Caawa Lagu Laayey Ciidamada Maraykanka, Ingiriiska Ee Ciraaq
Natiijada Baadhis Guddiga Joogtada Ah Ee Wakiilladu Ku Sameeyeen Xeer Muran Ka Dhex Abuuray Dalka
“Cabdiraxmaan-Cirro Wuxuu Garan Waayay, Intaan Anigu Gartay..” Guddoomiyaha 31 May

Berbera, (HCTV) – Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa kusoo dhoweeyey gudaha Dekeda Berbera, wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore.

Maareeyaha ayaa kusoo wareejiyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore qaybaha kala duwan ee Dekeda, sidoo kale waxa uu Maareeyuhuu uga Warbixiyey Wasiirka waxqabad kusoo kordhay Dekeda iyo weliba Mashaaricda Horumarineed ee ka socda. Waxa kaloo uu Maareeyuhuu wasiirka geeyey Taaga casriga ah ee Dekeda Berbera iyo doonta Bayloot boutka ah.

Sidoo kale, waxa uu Wasiirka kusoo wareejiyey maareeyuhuu qaybta Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera oo gabo-gabo ku dhow iyo Wiishkii cusbaa ee dhowaan dalka yimi. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey boga Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo u dhigan sidan.

“Waxaa Dekedda Berbera Kormeer noogu yimi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka &Wacyigelinta JSL, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).

Waxa aan Warbixinno ka siiyey Goobaha uu soo kormeeray Wasiirku, Goobahaas oo kala ahaa; Goobta laga Dhisaayo Dekedda Cusub Ee Berbera, Wiishka Cusub Ee lagu Bedelay Wiishkii hore inooga gubtay iyo Labbada Taag ee Lagu soo Xidho Maraakiibta”.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: