Xisbiga Xukuma Ethiopia Oo Xubinimadii Guddida Dhexe Ka Saaray 3 Xubnood Oo Wasiirka Gaashaandhigu Ku Jiro

Addis Ababa, (HCTV) – Xisbi ka mid ah Isbahaysiga xisbiga xukuma dalka Ethiopia ayaa guddida dhexe ka saaray saddex xubnood oo sarsare, kuwaas oo lagu eedeeyey musuq, iyo inay ku fashilmeen ilaalinta sirka xisbiga, iyo habsan.

Saddexdan xubnood ayaa wax aka mmid ah Wasiirka Difaaca Lemma Megersa, Milkessa Midega iyo Teyba Hassen, Madaxweyne ku xigeenka Dawladd Deegaanka Oromia, kuwaas oo dhamaantoodba laga joojiyey xubintii ay ka ahaayeen xisbiga qoomiyada Oromada oo ka mid ah xisbiyada isku tagay ee xukuma dalka Ethiopia.

Lemma ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee ku weheliya Raysal Wasaare Abiy Ahmed barnaamij dib-u-habeyn gudaha dalka. Mudooyinkii u dambeeyey waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu ka go’ay howlaha federaalka, tuhun ka dhashay maqnaashiisa shirkii amniga ee dhowaan uu qabtay Abiy kadib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay dilkii heesaaga caanka ah ee Oromada Hatchalu Hundessa.
Talaabadan ay qaadeen ee shaqada xisbiga lagaga joojiyey Lemma, ayaa idaacadda maxalliga ah ee FANA ay ka soo xigtay Fekadu Tessema oo ah madaxa xafiiska Oromada ee PP.

Sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in xubinimada guddida dhexe ee xisbiga laga joojiyey Teyba Hassen, oo hore magaalada Koonfurta-Bari ee Oramia ku taala ee Shashemene ka soo noqday Maayar.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONL;INE-KA.