Xukuumadda Lubnaan Oo Gabi-Ahaanba Is-casishay

Beirut, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Lubnaan Michel Aoun ayaa aqbalay iscasilaada dawladii ka talinaysay dalkaasi, waxaanu waydiistay inay si kumeelgaadh ah usii joogaan inta la soo dhisayo gole Wasiiro oo cusub.

Dhawaaqan soo baxay maanta oo Isniin ah ayaa yimid xili ay sii kululaatay xiisada ka dhalatay qaraxii masiibada ahaa ee todobaadkii la soo dhaafay gilgilay caasimada Beirut oo ay ku dhinteen dad tiradoodu gaadhayso 200 qof, kuna dhaawacmeen 6,000 kale.
“Dambigani” waa natiijada musuqmaasuq baahsan oo ka weyn qaranka”, sidaasi waxa yidhi Raysal Wasaare Hassan Diab oo Telefishanka dalkiisa ka hadlayey xili hore oo maanta ah.

Waxaanu intaasi ku daray inuu talaabo dib u qaadayo, oo uu barbar taagan yahay shacabka, dagaalka ay ugu jiraan isbadal dhaca.

“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa Iscasilaada dawladda. Illaahay ha ilaaliyo Lubnaan,” ayuu yidhi Raysal Wasaare Diab isagoo ku celcelinaya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.