Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Deg-deg Ugu Gurmato Shacabka Ku Dhaqan Sallaxley

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay khasaare uu sababay Roob dabaylo watay oo Salaasadii Shalay ka da’ay Degmada Sallaxley ee Gobolka Maroodi-jeex.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Roobka ay ku dumiyeen 91 Guri oo isugu jira kuwo Shacab iyo kuwo Dawladdu lahayd, sidaasi darteed Xukuumadda looga baahan yahay inay si deg-deg ah ugu Gurmato Sallaxley.

Xoghaye Khadar oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Sidaynu la socono Shalay waxa Degmada Sallaxley ka da’ay Roob dabaylo wata, Ilaahay baa Mahad leh inuu inoo shubay Raxmaadkiisa, laakiin Roobkaasi wuxuu dhibaato u keenay Magaalada Sallaxley oo ay saamayn weyn ku yeelatay, Guryo badan ay dumeen, Dad badan ay Hantidoodii dhibaato ku soo gaadhay.”

Khadar Xuseen Cabdi waxa kale oo uu sheegay “Sidaanu Wararka hor-dhaca ku helayno waxa dumay 91 Guri oo kuwaasi 52 ka mid ahi Guryo Daar ah ay yihiin, 11 Guryo Sandaqado ah, halka 28 kalena ay yihiin Aqal Soomaali…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xukuumadda waxaanu ugu baaqaynaa in laga shaqeeyo sidii si Deg-deg ah Dadkaa Gurmad loogu fidin lahaa.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka