Baarlamaanka Lubnaan Oo Ansixiyey Xaalad Deg-deg Ah Oo Dalkaa La Geliyey

Lubnaan (HCTV) – Baarlamaanka Dalka Lubnaan ayaa meel-mariyey ama ansixiyey Xaaladda deg-deg ah oo lagu soo rogay Dalkaasi, taasi oo ay Maamulayaan Ciidammadu, waxayna xaaladda deg-degga ahi ka dambaysay Qaraxa weyn oo ka dhacay Caasimadda Bayrtuud Salaasadii hore.

Ansixinta Baarlamaanka ee Xaaladda Deg-degga ah ayaa awood Sharci siinaysa Ciidammada Maamulaya Xaaladda deg-degga ah.

Golaha Wasiirrada ee Dawladda Lubnaan ayaa 5-tii August, 2020 Dalkaasi ku soo rogay Xaalad deg-deg ah, taasi oo ah Maalin ka dib Qarax sababay Dhimashada 200 Qof iyo dhaawaca Dad tiradoodu ku dhowdahay 6000.

Baarlamaanka Lubnaan ayaa Khamiista Maanta Cod u qaaday Xaaladda deg-degga ah oo socotay muddo 8 Maalmood ah, marka laga soo bilaabo 5-tii August ee la soo rogay, waxayna sharciyeeyeen Xaaladda deg-degga ah, maaddaama oo Duruufaha xilligan ka jira Lubnaan khasabtay, inkasta oo hadhow qaadiddeeduna Cod u baahan doonto.

Qaraxa Bayruut ka dhacay ayaa waxyeelo ka soo gaadhay dhismayaal Tiradoodu gaadhayso 70.000 kun.

Qaraxa ka dhacay Dekedda Bayruut ayaan si dhab ah loo ogayn waxa sababay, laakiin Masuuliyiinta Dalkaasi ayaa sheegay inay sababay 2,750 tan oo ah Kimikada loo yaqaano Amuuniyam Naytarayt.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka