Maraykanka Oo Ka Digay Muddo Kordhin Ku Timaada Doorashada, Waxaanu Ugu Baaqay Is-Afgarad Dhexmara Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya

Muqdisho, (HCTV) – Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay inuu ku baaqayo in la isku raaco wadahadallada soo socda ee ka dhacaya Dhuusamareb.
Qoraal la soo dhigay twitter-ka oo laga soo diray safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in qaabka doorashada ee la isku raacay ay tahay in lagu saleeyo wadatashi ballaadhan oo laga helo Soomaalida guud ahaan iyo dhinacyada siyaasada.


“Safaaradda Mareakanka ee Soomaaliya waxay si aad ah uga dhur-sugaysaa natiijada kulanka Dhuusamareb 3 i,” Yamamoto.
“Baahida loo qabo wadatashi ballaadhan iyo isu tanaasul dhab ah waa furaha. Qaabka doorashada oo u baahan taageero ballaadhan oo ku saleysan FGS, FMS, baarlamaanka, iyo daneeyayaasha kale. Doorashooyinka waqtigii loo qabtay, majiro waqti kordhin.
Hadallada safiirka ayaa imaanaysa ka hor wadahadalada muhiimka ah ee Sabtiga ka furmaya Dhuusamareeb.
Wasiirka Arimaha Dastuurka Xasan Jamac ayaa xaqiijiyay kulanka khamiista in cabsida laga qabo in dib loo dhigo sida ay soo wariyeen qayb kamid ah warbaahinta.
Waxaa jiray cabsi laga qabay in waajibaadka xukuumadda hadda jirta la kordhin karo iyada oo ay ugu wacan tahay hoggaanka dalka oo ku fashilmay dhammaystirka u diyaar garowga doorashooyinka. Xilliga dowladda hadda jirta wuxuu ku eg yahay dhamaadka sanadka.
Wadahadalka Dhuusamareb 3 ayaa la filayaa inuu isu keeno hoggaamiyeyaal ka socda Dowladda Federaalka, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo xisbiyada siyaasadeed si ay ugu heshiiyaan qaab doorasho oo lagu geyn doono doorashooyinka soo socda.