Puntland oo Shuruud Ku Xidhay Ka Qaybgalka Shirka Dhuusamareeb 3

Garoowe, (HCTV) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ku baaqay in beesha caalamka ka qeyb gasho shirka Dhuusomareeb 3 oo maanta ka furmaya magaalada Dhuusamareeb, kaas oo lagaga tashanayo  doorashooyinka Soomaaliya ee soo socda.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntand aysan kalsooni buuxda ku qabin madaxweyne Farmaajo, sidaad darteedna loo baahan yahay in beesha caalamku marqaati iyo goob-joogayaal ka noqoto waxa lagu heshiiyo iyo sidii loo fulin lahaa.
Waxay Puntland sheegtay inay shirka ka qeyb galayso, waxayna madaxweyne Farmaajo ugu baaqday in uu soo magacaabo raysal wasaare qeyb ka noqda fulinta heshiisyada dhameystirka doorashooyinka.