Ururka Solja Oo Cambaareyey Shaqaale Ka Tirsan Wasaarada Warfaafinta Oo Mushahar La’aan Ka Cabanaya

Hargeysa, (HCTV) – Solja oo Ka Hadashey Shaqaale ka Tirsan Wasaarada Warfaafinta oo Mushahar la’aan Ka Cabanaaya  War saxafadeed Uu Soo saarey Gudoomiyaha Solja, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa lagu yidhi “Ururka SOLJA, waxa wariyayaasha ka hawl gala wasaaradda Warfaafinta ka soo gaadhaya tacayadiyo farabadan oo ay ka mid yihiin in aan la siinin gunnooyin ay ku shaqaynayeen oo wasaaradda heshiisyo kula gashay wasaaraddo kale, Hay’addo madax banaan iyo shirkaddo ganacsi, kuwaas oo marka lacagahooda la soo qaado aan la siin ama la leexsado.

Marka ay isku dayaan inay kala xisaabtamaan masuuliyiinta wasaaradda-na loogu hanbajabo in shaqada laga eryi doono, iyadoo lacagahaas ay xaqa u leeyihiin ee wasaaradda soo gala aanay meel na kaga dhicin qasnadda dawladda ama aanay marin nidaamka xisaabeed ee maaliyadda halka xafiis loogu talo galay dakhliga wasaaradda soo gala uu ka dhex furan yahay xarunta Wasaaradda.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa heshiisyada ay wasaaradda Warfaafintu la gasho hay’addaha iyo shirkaddaha madaxa banaan ee aan sharciga waafaqsanayn  in ay wiiqeen dakhligii ay ku tiirsanaayeen warbaahinta madax banaan, maadaama wasaaradda oo Miisaaniyadda qaranka ka hesha in ka badan Afar Milyan ay tartan dhinaca suuqa ah kula jirto warbaahinta gaarka loo leeyahay, taasoo sababtay inay albaabadu u xidhmeen warbaahin farabadan.

Warbixinada dhiilada leh ee ku habsatay wariyayaasha warbaahinta Dawladda u shaqaysa iyo kuwa warbaahinta gaarka loo leeyahay ba ee hortaagan ururka SOLJA iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ba waa talaabada uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu ku joojiyay horumarkii suxufiyiinta ee dhinaca Aqoonta oo uu dhamaantood ka jaray, isagoo gooyay dhaqaalihii Qaranku ugu talo galay. Gaar ahaana wuxuu ka joojiyey boqol suxufi oo wax ka barta Kuliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacaddaha kale ee gaarka loo leeyahay.

Ururka waxa uu u arkaa Wariyayaasha u shaqeeya warbaahinta Dawladda oo ah kuwa ugu badan ee uu ururku matalo inay ku sugan yihiin xaalad car juuq dheh, taasoo uu wasiirku kusoo kordhiyey wasaaradda isagoo u adeegsada cago juglayn iyo hanjabaad gaadhsiisan in uu ula dhaqmo nidaam ka baxsan shuruucda shaqaale nimo, isagoo u adeegsada go’aamo sharci daro ah sida dhacday mudadii uu wasaaradda joogay oo uu kolka uu doonana eryo markuu doonana soo celiyo inta uu doono, mushaharooyinkoodii iyo gunnooyinkoodiina kaga haysto awood sharci daro ah.

Ururka SOLJA, waxa uu walaac wayn ka qabaa in isla xisaabtankii iyo ku dhaqanka sharciga ka la’yahay wasaaradda warfaafinta oo la moodo inaanu qaban xeerka Saxaafadda iyo xeerarka kala duwan ee qarankan ka dhigay kuwo isla xisaabtama gaar ahaan inaanu wasiirku u hogaansamin awoodoo sharci dajinta oo uu gabi ahaanteed ba iska dhigo tiray in uu ku dhaqmo xeerarkii ay Ansixiyeen sida xeerka lagu dhaqan galiyey Miisaaniyad sanadeedka 2020-ka.

Ururku waxa uu hore mawqif cad uga istaagay go’aankii sharci darada ahaa ee lagu xidhay Star iyo Universal, kuwaas oo uu wali ururka aaminsan yahay in ganaaxii la saaray uu ahaa sharci daro, maadaama aanay wasaaradda iyo Wasiirka mid koodna xaq u lahayn in ay kala noqdaan, Xayiraan ama ganaaxaan wariye ama Hay’ad warbaahineed.

Ururka SOLJA, isagoo ka duulaya u adeegsiga Suxufiyiinta iyo hay’addaha warbaahinta Xeerka Ciqaabta waxa uu toddobaadkan Maxkamadda sare ee Somaliland u gudbiyey Dacwad ka dhan ah tacadiyadda ciqaabeed ee ay xukuumaddu kula kacdo Warbaahinta Somaliland, waxaanu ka rajaynayaa Maxkamadda Sare inay tixgaliso Dacwadaas, maadaama dood muddo dheer qaadatay ay ka taagan tahay qaabka loo maro Dacwaddaha Saxaafadda.

Sidaasi daraadeed,; Ururka SOLJA, isagoo ka duulaya dhibaatooyinka kala duwan ee kor ku xusan waxa uu ku baaqayaa qoddobadan:-

 

In hay’addaha kala duwan ee Hanti-dhawrka, Golaha Wakiiladda, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Madaxweynaha Qaranku wax ka qabtaan dhibaatada wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalintu ku hayo shaqaalaha iyo hay’addaha warbaahinta

Inay hay’addaha Garsoorku joojiyaan inay si fududu isaga xidhaan Mulkiilayaasha iyo hay’addaha Warbaahinta, iyagoon ka garniqin Dacwadahooda ama aanay ku taageerin masuuliyiinta Dawladda ku tagrifalka awodeed ee ka baxsan inta shuruucda dalku u ogoshahay

In Golaha Wakiiladdu guda galo Wax ka bedelka iyo kaabista Xeerka Saxaafadda ee sanadkii 18aad horyaala golaha Wakiiladda

In guddida Dabagalka Hantidu baadhis madax banaan ku samayso isticmaalka Miisaaniyadda iyo Dakhliyadda kala duwan ee soo gala wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta, gaar ahaan Madaxa Iibka Barnaamijyadda ee wasaaradda oo hore u galaaftay wasiiro imikana cabasho badan ay Suxufiyiinta u shaqeeya wasaaraddu ka muujiyeen.

In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland tallaabo cad ka qaato dibu-dhaca ka jira wasaaradda isla markaana dar dar galiyo adeegyadda kala duwan ee ay bulshada u hayso oo ah kuwo haddii muruq iyo maan la galiyo lagula tartami kari lahaa warbaahinaha kala duwan ee loo isticmaalo dagaalka ka dhanka ah Somaliland.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA .”