Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha KULMIYE Oo Ka Jawaabo Eedo Ka Yimid Siyaasi Qabo

Hargeysa, (HCTV) – Xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa  deedafeeyey eedo uu maalintii shalay u jeediyey siyaasi Maxamed Ibraahim Qabo oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha guddida, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) , Axmed Faarax Cadarre iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo iyaguna kamid ah guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa wanjalaad iyo xaalad Abuur ku tilmaamay hadallo maalintii shalay kasoo yeedhay siyaasi Qabo oo uu ku sheegtay in loo diiday musharrraxnimada guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, sida ay hadalka u dhigeen.

Xubnaha guddida oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa shacabka u caddeeyey inaanay guddi ahaan cidna ka hor istaagin  u tartanka xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, islamarkaana uu xisbigu yahay madal Dimuqraaddi ah oo u furan inay ku tartanto cid kasta oo oo hunguri kaga jiro hoggaanka xisbiga.

Sidoo kale, waxa ay xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, waxa ay  ka digeen inay cid kale ka hadasho arrimaha ku saabsan shirka iyo murrashixiinta hoggaanka sare ee xisbiga, islamarkaana iyaga oo kaliya loo daba fadhiisanayo arrimaha ku saabsan shirkaas.