Kismaayo: Askari Maraykan Ah Oo Ku Dhaawacmay Qarax Al-Shabaab Ku Qaaday Xarun Milatari

Kismaayo, (HCTV) – Laba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay tira kalana way ku dhaawacmeen kadib makii gaadhi waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay uu ku qarxay xarun ciidamada militiriga ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo 50KM ka baxsan magaalada xeebta kulaasha ee Kismaayo ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay Askari Maraykan ah oo taageerayey ciidamada Gaarka ah ee Somalia oo dagaal kula jira kooxda Al-shabaab.

IIsmaaciil Mukhtaar Oronjo oo ah Afhayeenka xukuumadda ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in qaraxa uu yahay mid ismiidaamin ah.

“Gaadhi lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay aroortii hore ee saakay oo Isniin ah  xerada Ciidamada ee Janaay Cabdalle  , laba askari ayaana ku dhimatay” ayuu Oronjo u sheegay warbaahinta.

Maxamed Axmed Sabriye oo ah madaxda isgaadhsiinta ee xafiiska Madaxweynaha Jubaland ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas uu ku dhaawacmay askari Mareykan ah.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ka dhacay duleedka Kismaayo.