Somaliland Oo Safaarad Ka Furatay Taiwan

Hargeysa/Taipei, (HCTV) – Jamhuuriyada Somaliland ayaa si rasmi ah safaarad uga furatay caasimada dalka Taiwan ee Taipei.

Munaasibadii furitaanka xafiiska diblomaasiyadeed ee wakiilka Somaliland u fadhiyi doona dalka Taiwan ayaa wax aka qaybgalay masuuliyiin sarsare oo ka socda Taiwan, Safiirka Somaliland u magacawday Taiwan, Ambassador Maxamed Xaaji.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna munaasibadii furitaanka Safaarada Somaliland ay ku yeelanayo Taiwan waxa uu kaga qayb galay khadka muuqaalka tooska ah.

Waxaanu madaxweyne Biixi uu ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay Somaliland u leedahay xidhiidhka Taiwan oo uu tilmaamay in ay ka mid tahay dalalka dhaqaalahoodu sareeyo iyo waxyaabo badan oo ay wadaagaan labada dhinac, isla markaana ay isdhaafsan karaan.