Dab Xoogle Oo Mar Kale Ka Holcay Dekeda Beirut

Beirut, (HCTV) – Dab xoogle ayaa ka holcay dekeda Beirut ee caasimada dalka lubnaan oo bishii la soo dhaafay qarax ka dhacay ay ku dhinteen dad ka badan 200 qof.

Dabkan oo ah mid baaxad leh ayaa kor u baxay, waxaana laga arkayey meelo badan oo caasimada Lebanon, kaas oo ku fiday goobtii bilk a hor uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada Leban ayaa sheegay in dabku ka dhashay qarax ay sameeyeen bakhaar lagu kaydiyo saliida iyo Taayirada oo ku taala dekeda dhexdeeda.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.