Saddexda Xisbi Ee Somaliland Oo Ka Shiray Dardargelinta Hawlaha Doorashooyinka

Hargeysa, (HCTV) – Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa maanta ka shiray dardargelinta hawlaha Doorashooyinka oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 2021-ka.

Waxaanay saddexda xisbi Qaran ay si gaar ah uga doodeen shuruudaha lagu xulan-karo Musharixiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland.

Shirkan ay magaalada Hargeysa ku yeesheen saddexda xisbi ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo  Cabdicasiis Samaale oo matalayhey xisbiga Kulmiye, halka xisbiga Waddani uu horkacayey Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), Cabdiqaadir Jire, iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, sidoo kale xisbiga UCID ayaa waxa shirkaasi ku matalayey Gudoomiyaha xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe.

War-Saxaafadeed:

Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Sep 2020-ka, waxaa Shir isugu yimid Guddida wada-hadalka Xisbiyada Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Kuxigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Saylic, Eng Faysal Cali Waraabe, & Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Ujeedada Kulanka Xisbiyada Qaranka JSL waxa ay ahayd sii loo sii ambaqaadi lahaa howlaha dardargelinta ee Doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee dhawaan dhici doonta.

Saddexda Xisbi Qaran waxa ay saaka dood ka yeesheen sidii ay Xisbiyadu u soo wada saari lahaayeen Shuruudo isku mid ah (Criteria) oo lagu soo xuli doono Musharrixiinta Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka iyada oo la tixraacayo Xeerarka Doorashooyinka iyo Xeer-hoosaadyada Xisbiyada.

ALLAA MAHAD LEH

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.