Hoggaamiyihii Mucaaridka Ruushka Ee La Sumeeyey Oo Markii U Horaysay Baraha Bulshada Ka Soo Muuqday

Berlin, (HCTV) – Hoggaamiyihii Mucaaridka Ruushka Alexei Navalny ayaa soo gudbiyey sawirkiisa isaga oo ku sugan cusbitaal ku yaala dalka Jarmalka, waxaanu sheegay inuu neefsanayo.

Sawirkan oo la soo dhigay barta Instagram: ayaa lagu soo qoray “Iska Warama, Kani waa Navalny. Waan idin waayey, ilaa hada ma samayn karayo wax badan, balse shalay waxaan bilaabay inaan neefsado maalintii oo dhan,”.

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Hoggaamiyaha Mucaaridka Ruushka oo magaceeda la yidhaa Kira Yarmysh ayaa sheegtay inuu ku noqon doono dalka Ruushka.

Ninkan ayaa lagu sumeeyey xili uu ka soo duulayey magaalada Siberia 20-kii bishii August, kaas oo sumayntiisa loo adeegsaday suntan Novichok oo khatar ah.

Sumaynta Alexei Navalny ayaa lagu eedeeyey Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin inuu ka dambeeyo, maadaama oo Alexei uu ahaa nin ku kakan siyaasada Putin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.