Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka La’dagaalanka Maandooriyaha

Hargeysa, (HCTV) – Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka la’dagaalanka Maandooriyaha, kaas oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Wakiiladu.

Ka hor intii aan la ansixin waxa golaha ka soo jeediyey wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey Xeerkan la dagaalanka Maandooriyaha, Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Beegsi.

“Farqada afraad oo u dhignayd marka hore gaadiidka lagu qabto maandooriye, ee ay Maxkamadd horteed kaga cadaatay, waxa marka koowaad lagu ciqaabayaa, ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba labatan (20%) qiimaha gaadiidka.

Marka labaad waxa la ganaaxayaa boqolkiiba konton (50%) qiimaha gaadiidka. Marka Saddexaadna waa lala wareegayaa.”

Sidaasi ayuu u dhignaa qodobku balse waxa loo kala qaaday markii dambe; farqadaasi afraad laba farqadood oo u dhigan (b) gaadiidka dalka soo galiya maandooriye nooc kasta oo uu yahayba mid dhul, cir ama badd, ee ay maxkamadd horteed kaga cadaato, waxa marka koowaad lagu ciqaabayaa ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba konton (50%) qiimaha gaadiidka, marka labaad waa lala wareegayaa gaadiidkaa.

Farqada labaad (t) waxay noqotay gaadiidka dalka gudihiisa lagu qabto ee ay maxkamadd horteed kaga cadaatay waxa lagu ciqaabayaa ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba labatan, marka labaad boqolkiiba konton marka saddexaadna waa lala wareegayaa,”.