Qatar Oo Meel Adag Ka Istaagtay Caadiyeynta Xidhiidhka Israel

Doha, (HCTV) – Dalka Qatar ayaa sheegay inaanay ka mid noqon doonin dalalka Gacanka Carabta ee xidhiidhka diblomaasiyadeed la yeelanaya Israel inta la xalinayo dagaalka ka dhanka ah Falastiiniyiinta, sidaasi waxa tidhi kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada Lolwah bint Rashid Al Khater.

Waxaanay intaasi ku dartay Haweenaydaasi Kaaliyaha ahi in dhawaan horumar laga samayn doono xayiraada saddex sano jirsatay ee Qatar ay saareen dalalka gobolku.

“Caadiyeynta xidhiidhka Israa’iil “jawaab uma noqon karto” khilaafka Israa’iil iyo Falastiin,” Lolwah al-Khater, Kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa Isniintii wareysi uu la yeeshay warbaahinta Bloomberg ku yidhi: “Uma maleyneyno in caadiyeynta ay xudun u ahayd khilaafkan sidaas darteedna jawaab ma noqon karto.”
“Muhiimadda khilaafkan wuxuu ku saabsan yahay xaaladaha ba’an ee ay Falastiiniyiinta ku hoos noolyihiin” “dad aan wadan lahayn, kuna hoos nool gumaysi,” ayay tidhi.
Hadalka Al-Khater ayaa yimid kadib markii Baxreyn iyo Isutagga Imaaraatka Carabtu heshiis ay ku caadiyaynayaan xidhiidhka la saxeexday Israel xaflad ka dhici doonta Aqalka Cad ee dalka Maraykanka goor dambe oo Salaadada ah maanta ah.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.