Shiinaha Oo Diyaarado Dagaal Oo Hor Leh U Diray Taiwan Oo Maamus U Samaynaysa Madaxweynahoodii Hore Ee Geeriyooday

Taipei, (HCTV) – Dalka Shiinaha ayaa maalintii labaad diyaarado dagaal u diray dhinaca Taiwan xilli Madaxweynaha dalkaasi, saraakiisha sarsare ee dowladda iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka Keith Krach oo booqashada ku jooga Taipei ay maamuus u samaynayaan madaxweynihii hore Taiwan Lee oo geeriyooday 30-kii July isagoo da’diisu tahay 97 jir.

Joogitaanka Taiwan ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Dalka Maraykanka ayaa cadho badan ku abuurtay dalka Shiina, waxaanay sababay in shiinuhu uu u diro Taiwan 18 dayuuradood oo nooca dagaal ah oo dul maray meel u dhow Taiwan.

Hase yeeshee Ciidamada Cirka ee Taiwan ayaa iyaguna dhinacooda qaaday talaabooyin ay kaga foojignaanayaan daandaansiga dalka Shiina, waxaanay dhigeen meelo badan gantaalada difaaca hawada si loola socdo dhaqdhaqaaqyada Shiinaha.

Madaxweynaha Geeriyooday ee Taiwan ayaa ahaa Madaxweynihii dhabada u jeexay hanaanka dimuqraadiyada ee dalkaasi uu kaga duwan yahay dalweynaha Shiinaha.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.