Armenia Iyo Azerbaijan Oo Dagaal Ku Dhexmaray Gobolka Nagorno-Karabakh

Nagorno-Karabakh, (HCTV) – Armenia Iyo Azerbaijan ayuu dagaal ku dhexmaray gobolka Karabakh oo Armenia ay gacanta ku hayso, waxaanay Armenia ku dhawaaqday xukun milatari iyo milatariga oo la wareega gacan ku haynta gobolkaasi Nagorno-Karabakh.

Gobolkan ayaa muddo dheer xudun u ahaa dagaalka labada dal, waxaanu Raysal Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ku dhawaaqay in milatarigu ay talada gacanta ku hayaan, dagaalna ay diyaar u yihiin.

Sidoo kale xili sii horaysay ayaa Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Heydar Aliyev ayaa sheegay inuu talada gobolkaasi gacanta ku dhigi doono, isagoo guulo ka sheegtay ciidamada Armenianka ee ay dagaalameen.

Xiisada u dhaxaysa Armenia iyo Azerbaijan oo ah laba dal oo jaar ah oo ku yaala Gobolka Caucasus ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii subaxnimadii Axmada dagaal ku dhexmaray gobolka ay ku muransan yihiin Nagorno-Karabakh.

Waxaanu Madaxweynaha Azerbaijan uu sheegay in ciidamada Azeri ee ku sugan gobolka Nagorno-Karabakh iyo Baku la soo weeraray, isagoo ku eedeeyey ciidamada Armenian oo gantaaladaasi ku garaacay fadhiisimada Milatariga Azeri iyo fashiisimada shacabka.

Labada dal ayaa dagaal mudo dheer uu u dhexeeyey Azerbajian ay ka go’een qoomiyad ka soo jeeda gobolka Armenia Nagorno Karabakh oo madaxbanaanidiisa ku dhawaaqay markii dagaal halkaasi ka bilaabay oo ku beegan markii Midawga Suufiyeedku uu burburay 1991-kii

Inkastoo xabad joojin la kala dhexdhigay 1994-kii, ayaa hadana Azerbaijan io Armenia waxay marar badan isku eedeeyeen weeraro ka dhacay Nagorno-Karabakh iyo Gooni goosadka Azeri-Armenian.