Dablay Hubaysan Oo 15 Qof Ku Dilay Galbeedka Ethiopia

Benishangul-Gumuz, (HCTV) – Dablay hubaysan ayaa 15 qof ku dilay galbeedka dalka Ethiopia, sida ay sheegtay Komishanka Xuquuqda Aadana ee dalka Ethiopia.

Afar ka mid ah dhibanayaasha ayaa lagu dilay weerar jimcihii ka dhacay gobolka Benishangul, gaar ahaana Metekel Zone oo lagu dilay haweenay, waxaana lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay Guddidan Xuquuqda Aadamaha ee Ethiopia in ay walaac weyn ka qabaan weerarada ka dhanka ah dadka shacabka ah.

Ugu yaraan laba dhacdo ayaa ka dhacay bishan isla gobolkaasi oo xuduud la leh Sudan, kaas oo sababay dhimashada dad shacab iyo in 300 qof ay ka cararaan guryahooda.

Daniel Bekele, oo ah Madaxa Komishanka Xuquuqal Insaanka Ethiopia ayaa sheegay in dadka shacabka ahi ay khatar ugu jiraan weerarada weeraro bahalnimo ah oo ka dhaca gobolka Benishangul-Gumuz.

Waxaanu Bekele Dawladda Federalka Iyo Maamulka Gobolkaba ugu baaqay inay qaado talaabooyin cadcad oo sharciga loogu hoggaansamayo, dambiilayaashana lagula xisaabtamayo.

Weeraradan ayaa muujinaya Caqabadihii ugu dambeeyey ee dhinaca Amaanka ka haysta dawladda Raysal Wasaare Abiy Axmed, oo talada dalkaasi la wareegay 2018-kii, Abaalmarina ku helay isbadalo uu sameeyey, wallow ay sii kordhayaan xiisada  qoomiyaha dalkaasi u dhexeeya.