Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somalia Oo La Kulmay Safiirrada Caalamka U Fadhiya Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Raysal Wasaaraha cusub ee dawladda Federalka ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika u fadhiya Muqdisho.

Kulanka ayaa lagaga wadahadlay arimo door ah, iyadoo la isku dhaafsaday talooyin ku saabsan xaaladda dalka Somalia iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay. Iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda M. Axmed Ciise Cawad.
Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisul Wasaaraha Rooble ee Amniga, Doorashooyinka & Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.